SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DARAAWIISHTA PUNTLAND OO KA GADOODSAN MUSHAAR LA’AAN.

(SAWIRKA)-CIIDAMO GADOODSAN KANA TIRSAN DARAAWIISHTA PUNTLAND.

(GARAWE)-Wararka ka imanaayo caasimadda maamulka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in ciidan ka tirsan Daraawiishta Puntland oo ku sugan buuraha Silsilada Golis ee Gobolka Bari iney ka gadoodsan yihiin Mushaar La’aan ku dhacday. Muuqaal lagu faafiyey Baraha Bulshada ayaa muujinayey askar ka tirsan ciidamada ku sugan Buuraha Golis oo ka cabanayo Mushaa La’aan isla markaasne sheegaayo iney Gadoodsan yihiin. Sarkaal ka hadlay muuqaalka ayaa sheegaayo in ciidanka Gadoodsan ey yihiin Ururka 7-aad ee ciidamadda Daraawiishta ee ku sugan Sisilada Glois isaga oo Madaxda dawladda Puntland ka codsaday in ciidanka la siiyo Xuquuqdooda ka maqan. “Waxaan nahay Ururka 7-aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku sugan buuraha Silsilada Golis waxa aan dooneynaa in aan ogaysiino masuuliyiinta dawladda Puntland in aan helin xuquuqdii aan lahayn anaga oo ku jirna difaac dalka” ayuu yiri sarkaal muuqaalka ka hadlaayey. Gadoodka ciidamadda kala duwan ee ka cabanaayo Mushaar La’aanta ayaa mudooyinkaan danbe waxa ey ku soo noq-noqonaayeen degaanadda Puntland kuwaaso qaarkood meelo xirteen in kastoo markii dambe laga qaaday.

ISHA/PP.