DAR-DAR GELINTA WEJIGA 2-AAD EE DAGAALKA…
SARAAKIIL MARAYKAN AH OOGAARAY MAXAAS.
(HIIRAAN)-Shalay ayey ahayd markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu gaaray degmada Adan Yabaal oo ah degmo ay xukumaayeen kooxda Khawaarijta muddo dheer balse hadda ku jirta gacanta DFS, Madaxweynaha ayaa la hadlay shacabka degmada Adan Yabaal iyo masuuliyin ka socotay maamulka Hirshabele uu hogaaminaayey Madaxweynaha maamulka Hirshabeele Mudane Cali Guudlaawe. Manta oo ah Isniin waxaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan gaaray saraakiil isugu jirto Soomaali iyo Maraykan ujeedka safarka saraakiishaan ayaa lagu sheegay ineey tahay dar-dargelinta wejiga labaad ee la dagaalanka kooxda Khawaarijta,wararka ka imaanayo Maxaas ayaa sheegaayo in saraakiisha isku dhafka ah iney la kulmeen gudoomiyaha degmada Maxaas mudane Muumin iyo hogaamiyaha xoogaga degaanka Maxaas Maxamed Cismaan Geneey,maamuka degmada Maxaas ayaa sheegay inuu u mahadcelinaayo DFS iyo dalka Marayanka oo door muuqda ka qaatay xureynta Maxaas oo maanta nabad ah.
ISHA WARKA SB-MEDIA.