SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DANJIRE JAMES SWAN OO DIB LOOGU SOO MAGACABAY SOOMAALIYA.

(SAWIR)-KA. JAMES SWAN.

(MUQDISHO)-Xogahyaha Guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guterres ayaa James Swan u magacaabay ku simaha Ergaygiisa gaarka ah ee dalka Soomaaliya iyo Madax Xafiiska muranku ka taagan yahay ee UNSOM. James Sawn waxa uu ahaan doonaa wakiil gaar ah “mudoo ku meel gaar ah ka dib bixitaankii Duqdii la Eryey Catriona Laing ee u dhalatay dalka Boqortooyadda Ingiriisa taaso Xoghayaha Guud uu uga mahadceliyey adeegii gaarka ahaay ee Xafiiska UNSOM iyo waqtiga adag ee dalka Soomaaliya”ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Qaramadda Midoobe lana faafiyey shalay oo Talaada ahayd. “James Swan waa diblomaasi khibrad leh oo muddo dheer ku soo dhex jiray dalalka Qaaradda Afrika kuwaaso wejahaayo isbedello siyaasadeed oo aad u adag” ayaa lagu yiri bayaanka QM. “Intii u dambaysay James Swan waxa uu ahaay Ergayga gaarka ah ee Soomaaloya iyo Madaxa Xafiiska UNSOM intii u dhexeysay 2019-kii ilaa 2022-kii. James Swan,oo haysta dhalshada dalka Maraykanka,waxa uu horay u soo noqday Danjiraha Maraykanka ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo sannadihii 2013-kii ilaa 2016-kii,waxa uu Maraykanka u noqday Ergayga gaarka ee u qaabilsan Soomaaliya sannadihii 2011-kii ilaa 2013-kii iyo Safiirka Maraykanka ee Jamhuuriuadda Jabuuti sannadihii 2008-dii ilaa 2011-kii. Magacaabidaa James Swan ee ku simaha Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha QM Guterres ayaa timid ka dib markii ey Soomaaliya ey si rasmi ah u codsatay in QM ey joojiso shaqada Xafiiska UNSOM ee dalka Soomaalya.

ISHA/NC.

SII AKHRI.