Damaanadiisa waa $1.25-milyan.
Shalay oo siniin ahayd kuna beegneed 8/6/2020-ka ayaa markii ugu horeysay isagoo gacmaha ka xiran ka soo muuqday Video-ga askerigii dilay George Floyd 25/5/2020-ka gobolka Minasoota ee dalka Maraykanka,askeriga ayaa fadhiyey miis yar oo yiilay gudaha qolka shirarka ee xabsiga Hennepin.
Dhegaysiga dacwadda ayaa ahayd mid kooban waxa eeyna qaadatay muddo dhan shan iyo toban daqiiqo,mid ka mida garsoorayaasha lana yiraahdo Mathew ayaa sheegay ineey xanuun badnaan doonto ciqaabta uu mutaysan doono askeriga dilay George Floyd waxa uuna weydiistay garsooraha degmada Mr.Jeannic Reding in kor loo qaado lacagta lagu damiinanaayo sii daynta askeriga lana gaarsiiyo inta u dhexeyso $ 750-kun ilaa hal milyan oo doolar eeyna la socoto shuruud adag iyo hal milyan oo doolar ilaa $1.25 Milyan oo eeysa la socon wax shuruud ah.
Askeriga gaystay dilka oo la yiraahdo Chauvin oo jira 44-sano ayaa wajahaayo ciqaab dil ee heerka 2-aad si aan ula kac ahayn ama ciqaab dil heerarka 2-ad iyo 3-aad oo dil kama ah,mana aha dacwadiisa inuu qirto waayo waa mid iska cad,dacwdaan ayaa loo fariisan doonaa mar kale marka eey bishaan juun tahay sagaal iyo labaatanka(29/6/2020) saacadu markeey tahay 1:30 duhurnimo waqtiga gobolka minasoota ee dalka Maraykanka.