SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DALXIISAYAAL KU DHINTAY TURKIGA.

(TURKEY):Baska loo yaqaano Minibus(Caasi) oo weday dad dalxiisa ayaa shil ku galay magaalo ku taalo koonfurta dalka Turkiga lana yiraahdo Antalya shalay oo Sabti ahayd(30/10/2021)-ka,shilkaas baabuur ayaa waxaa ku geeriyooday hal qof oo u dhashay dalka Sweden kana mid ahaay dalxiisayaasha waxaane ku dhaawacmay shan kale sida uu sheegay Tv-ga dalka Turkiga ee TRT.Qofka u dhashay Sweden kuna dhintay shilka ayaa da’adiisa lagu sheegay ineey ahayd todobaatan iyo kow(71)-jir waxa uuna ku dhintay isla goobta uu ka dhacay shilka oo la yiraahdo AKSU saacadihii hore ee shalay subax sida laga soo xigtay Tv-ga dawladda Turkiga ee TRT.

Dadka ku dhaawacmay shilkaas baabuur oo tiradoodu dhan tahay shan(5)-qofood ayaa u kala dhashay dalalka Denmark oo afar(4)-ah iyo darawalkii weday Minibuska oo u dhashay dalka Turkiga,qaabka uu shilka u dhacay ayaa ahayd Minibuska oo ku dhacay derbi adag oo aan laga gudbi karin kuna yiilay wadada dhinaceeda.Sida laga soo xigtay Website-ka wargayska Hurriyat ee dalkaas Turkiga dalxiisayaasha ayaa ku socday garoonka diyaaradaha ee magaaladda Antalya markii uu dhcaaayey shilka Baabuur.XIGASHO AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.