DALKA TUNISIYA OO DHAQAALE KU QADATAY…
(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAASHA AFRIKA.
(TUNIS)-Bartamihii bishaan Luuliyo ayey Midawga Yurub soo gabagabeysay rajada laga qabo heshiiska iskaashi oo u dhexeeyo dalka Tunisiya iyo Midawga Yurub kuna saabsan safarka badda ee sharci darada ah ee la sii maraayo badda Miditereniyanka laakinse khubarada ku takhasustay sharciyada caalamiga ah kana mid ah hayadaha samafalka ayaa ka digay lacagta dhan hal bilyan oo Yuuro una dhiganto $1.11-bilyan oo doolarka Maraykanka ah ee la siinayo dalka Tunisiya si ey hakad u geliso qulqulka tahribayasha iney tahay mid xadgudub ku ah xuquuqda dadka tahriibayo. Heshiiska lagu xakameynaayo qulqulka dadka tahriibayo kana soo ambabaxaayo xeebaha dalka Tunisiya ayaa waxaa ka qeyb ah Madaxa Golaha Midawga Yurub Ursula Von der,Reysal Wasaaraha dalka Hoolan Mark Rutte,Reysal Wasaaraha dalka Talyaaniga Giorgio Meloni iyo Madaxweynaha dalka Tunisiya Qeys Saciid,heshiiska ayaa lagu gaaray xarunta Midawga Yurub ee caasimadda dalka Biljam ee Brussels,heshiiskaan ayaa dalka Tunisiya loogu fidinayaa taageero dhaqaale iyo mid farsamo.
ISHA/AA.