SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DALKA SWEDEN OO YEESHAY RAYSAL WASAARE DUMAR AH.

(SWIIDHAN):Baarlamaanka dalka Isweedhan ayaa doortay Magdalen Andersson ineey noqoto Raysal Wasaaraha dalka Isweedhan ka dib markii eey heshay codadki loo baahnaay cod waxyar uun ka sareeyo.Andersson ayaa todobaadkii hore loo doortya ineey noqoto Raysal waaraha dalka Isweedhan laakinse xukuumadii eey hogaaminaysay ayaa si dhaqsi u dhacday sabab la xiriirto miisaniyadda.Todobaadkii la soo dhaafay Magdalen waxa eey noqotay haweenidii ugu horeeysay ee Raysal wasaare ka noqoto dalka Isweedhan waxayna Andersson xilkaas haysay waqti dhan todobo saac.Wax yar ka todobaad,baarlamaanka dalka Isweedhan ayaa dib ugu doortay andersson ineey noqoto Raysal wasaaraha dalkaas waxa eeyna markaan rajynayaan in Andersson xilka hayso waqti ka dheer kii hore.Andersson waa konton iyo afar(54)-jir waxaane markii ugu horeeysay la doortay Arbacadii hore laakinse waa eey is casishay ka dib markii miisaniyadda xukuumadeeda uu diiday baarlamaanka waxaane sidaas ku dhacday dawladii isbahaysiga ahayd.ISHA WAKAALADAHA.

HALKAAN KA SII AKHRI.