DALKA SOOMAALIYA OO DEEQ KA HELAY SANDUUQA…
(SAWIRKA)-SANDUUQA CIMILADA CAGAAR.
(NEW YORK)-Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo ey taageerto Qaramada Midoobe ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano GCF lana rumaysan yahay inuu yahay Sanduuqa ugu weyn ee dhinaca Cimilada ah ayaa boqol Milyan oo doolar ugu yaboohay barnaamijka maalgashiga wax ka qabashada Cimilada Soomaaliya sanaddka soo socdo. Lacagtaan oo Talaadadii looga dhawaaqay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka dib markii uu halkaasi booqasho ku yimid wafdi balaaran oo ka socday GCF-ta eyna hogaaminaysay Agaasimaha Fulinta ee Ururka Mafalda Duarte. Dhaqaalahaan ayaa loogu talagalay inuu gacan ka gaysto xoojinta dadaaladda la rabo in dalka Soomaaliya uu adkeysto isbedelka Cimiladda sida lagu sheegay war murtiyeed laga soo saaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho fiidnimadii Talaada. Duarte ayaa sheegtay in Soomaaliya ey tahay dalka labaad ee ugu nugul isbedeladda Cimiladda adduunka,in kasto ey ka qeyb qaadatay 0.03% wadarta Gaaska aqalka dhurta lagu sii daayo,ayaa lagu yiri bayaanka.
ISHA/AFRICA.