DALKA MASAR OO XAQIIJIYEY INUU KA QEYB GELAAYO…
(SAWIRKA)-WASIIR FIQI IYO BADR.
(QAHIRA)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo inuu halkaasi ku sugan yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Danjire.Axmed Macallin Fiqi. Wasiirka oo halkaasi u tegay sidii uu ugala soo xaajoon lahaa dawladda Masar arrimaha la xiriira Ciidamadda Nabad Ilaalinta ee bedeli doono kuwa hadda joogo Soomaaliya ee loo yaqaano ATMIS. Ciidamadda la filaayo iney soo gaaraan dalka Soomaaliya horaanta sannadka soo socdo ee 2025-ka ayaa waxaa qeyb ka ah Ciidamadda dalka Masar,waxa eyna dawladda Masar saanad ciidan u soo daabushay gudaha dalka Soomaaliya iyadoo ka faa’iideysaneysa isku dhaca dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya horaantii sannadkan 2024-ka ka dib markii dawladda Itoobiya ey heshiis afgarad ah la saxiixatay maamulka Soomaaliland oo isaga ka go’ay Jamhuuriayadda Soomaliya horaantii sagaashamaadkii.
ISHA-VOA.