SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DALKA MARAYKANKA NIN DILAY LIX QOFOOD.

(WISCONSIN)-Nin 34-jir ah kana soo jeedo gobolka Wisconsin ee dalkaas Maraykanka ayaa lagu edeeyey inuu dilay 6-qofood kuwaaso ayagoo meyd ah laga soo helay magaaladda Milwaukee Duplex ee gobolka Wisconsin bishii Janaayo ee sannadkaan-2022-ka. Travis Lamar Birkley oo ah ninka ku eedeysan dilka lixda qofood ayaa looga baahan yahay damaanad dhan hal milyan oo doolarka Maraykanka si uu xabsiga uga soo baxo,Birkley ayaa ku eedeysan dembiyo dil ah oo gaaraayo ilaa lix,garyaqaanka Birkley oo dhegeysanaayey dacwadda ayaba diiday inuu wax faalo ah ka bixiyo dacwada loo haysto Birkley. Lixda qofood ee la helay ayagoo meyd ah bishii Janayo-23-22-ka ayaa waxaa korkooda ka muuqday dhaawacyo rasaas ah,laakinse dokumintiyo maxkamada ayaa faahfaahinaayo eedeynta loo haysto Birkley,waxayna soo jediyeen in laga yaabo in dilku dhacay 3-bilood ka hor.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRISO.