SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DALKA KUURIYADDA KOONFUREED OO DEEQ SIIYEY…

(SAWIR)-KA. SHIRKII KUURIYA IYO ITOOBIYA.

(SEOUL)-Madaxweynaha dalka Kooriyadda Koonfureed Yoon Suk Yeol ayaa Axada maanta ah laba wareeg oo wada hadalla laba geesood ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Tansaniya Samia Suluhu Xasan iyo Reysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,iyagoo uu dhinac socdo shirka Madaxeedka Jamhuuriyadda Kuuriya iyo Afrika ee 2024-ka oo la qorsheeyey dabayaaqadda todobaadkan inuu ka dhaco caasimadda Jamhuuriyadda Kuuriyadda Koonfureed ee Seoul. Sida laga soo xigtay Xafiiska Madaxweyne Yoon,labada dal waxay bilaabeen wada hadallo ku saabsan Heshiis iskaashiga dhaqaalaha si loo kala saaro badeecadaha Ganacsiga. Labada hgoaamiye waxay sidoo kale qireen balan qaadka Jamhuuriyadda Kuuriyadda Koonfureed ee $2.5-Bilyan oo doolarka Maraykanka ah la siinaayo dalka Tanzaniya iyadoo loo marsiinaayo Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Kuuriya ilaa sannadka 2028-ka si looga caawiyo hagaajinta xaaladaha nololeed iyo kor u qaadida koboca dhaqaalaha dalka Tanzaaniya. Labada dal ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiisyo is afgarad ah,oo uu ku jiro mid loogu talagalay in dalka Tanzaniya ey xasiloon tahay sahayda agabka muhiimka ah ee Jamhuuriyadda Kuuriyadda Koonfureed,dalka Jamhuuriyadda Kuuriyadda Koonfureed wuxuu xiriir diblomaasiyadeed la sameystay dalka Tansaaniya bishii Abriil sannadkii 1992-dii. Fadhi gaar ah ey wada qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kuuriyadda Koonfureed Yoon iyo Reysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed fiidnimadii maanta oo Axad ah ayey ka wada hadleen xiriirka labada ee soo bilwday sannadkii 1963-dii,waxa uuna sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kuuriyadda Koonfureed Yoon in dalka Itoobiya yahay dalka kaliyah ee ka tirsan Qaaradda Afrika oo ciidamo u soo diray dagaalkii labada Kuuri dhexmaray sannadadii 1950 ilaa 1953-dii. Labada hogaamiye ayaa qiray iney kala saxiixdeen Qaabdhismeedka Horumarinta Ganacsiga iyo Maalgashiga ee labada dal bishii Oktoobar ee sannadkii hore 2023-kii,iyo sidoo kale balan qaad dhan $1-Bilyan oo doolara Marykanka ah ey Jamhuuriyadda Kuuryadda Koonfureed siinayso Itoobiya iyadoo loo soo marinaayo Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Kuuriya oo socon doono ilaa sannadka 2028-ka,sida laga soo xigtay Xafiska Madaxweyne Yoon. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay mashaariicda ey Kuuriyadda Koonfureed ka fulinayso Itoobiya sida Korontada,Dhismooyinka Wadooyinka iyo dayactirka Wabiyadda Itoobiya,waxay kalo rajo ka muujiyeen labada masuul heshiisyadda Horumarinta Macdanta iyo Qalabka Difaaca. Jadwal hawleedka shirka ayaa lagu xusay in maalinta berri ee Isniinta ah bishuna tahay 3/6/24-ka in Madaxweynaha Kuuriyadda Koonfureed Yoon uu Casho sharaf u sameyn doono wufuuda ka kala socoto 48-da wadan ee ka qeybgeleyo shirka,fadhiga Talaadada 4/6/24-ka dhacaayo ayaa ku saabsan Ganacsiga,midka dhici doono Arbacada 5/6/24-ka ayaa isna ku saabsan Warshadaha,waxaane dhammaan fadhiyadaas shir gudoomin doono Wasiirka Tamarta,Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Kuuriyadda Koonfureed Ahn Duk-geun. Shirka u dhexeeyo Jamhuuriyadda Kuuriyadda Koonfureed iyo Afrika ayaa dalka Soomaaliya waxaa ku metelaayo Wafdi heer sare ah ee uu Hogaaminaayo Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre,waxaa kaloo shirka ka qeybgelaayo wafdiyo ka kale socdo Ururka Midawga Afrika iyo Bangiga Horumarinta Afrika,shirkaan ayaa ah midkii ugu horeeyey ey yeeshaan Jamhuuriyadda Kuuriyadda Koonfureed iyo wadamadda Qaaradda Afrika.

ISHA/WAKAALADDO.