SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DALKA KOONGO OO DACWAD KA GUDBIYEY RWANDA.

(SAWIRKA)-MAXKAMADA AFRIKA.

(ISTANBUL)-Dhageysiga kiis aan horay loo arag oo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ey ka gudbisay Rwanda oo lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha ayaa bilaabatay maanta oo Arbaca ah iyada oo ey socdaan iska horimaadyo ka socda gobolka Kinshasa ee Waqooyiga Kivu. Kongo waxay dacwadda u gudbisay Maxkamadda Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dadka ee Tanzania 2023 iyada oo ku eedaysay ku xad-gudubka Xuquuqul Insaanka ee Ruwaanda, oo ay ku jiraan ka Ganacsiga dadka, Jirdilka, iyo ciqaabta naxariis darada ah ama sharaf-dhaca ee bariga Congo, oo ku taal xadka Rwanda. Kinshasa ayaa ku andacoonaysa in Jabhadda M23 iyo ciidamada Ruwaanda iney colaado hubaysan ka wadaan bariga gobolka Kivu tan iyo 2021-kii, taas oo keentay burburka kaabayaasha dhaqaalaha, kumanaan barakacayaal ah, dil, iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Kongo ayaa maxkamadda ka codsatay in Rwanda ay ku amarto in ay ciidamadeeda ka saarto, joojiso taageerada ey siiso M23 iyo sidoo kale ku xad-gudbida Xuquuqul Insaanka, bixinta magdhowga, iyo in maxkamaddu ay go'aan ka gaarto magdhow iyo inay bixiso dhammaan kharashaadka. Kiiskan oo aan hore loo arag ayaa ka dhigan khilaafkii ugu horreeyay ee ey maxkamaddu dhegeysato. Taariikh ahaan, waxay wax ka qabatay kiisas ey shakhsiyaad ama NGO-yo u keeneen dawladaha ee ku saabsan xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha. Dhegeysiga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo iyo Jamhuuriyadda Rwanda ayaa ku soo beegantay iyadoo ay socdaan colaado ka dhashay weerar ey fallaagada M23 ku qaadeen bariga Congo. Jabhadda M23 ayaa hadda sheegtay inay gacanta ku hayso magaalada Goma, waxayna ku dhawaaqeen maamul ey iyagu leeyihiin. Laga soo bilaabo Jan. 26, in ka badan 3,000 oo qof ayaa la dilay, 2,880 waa la dhaawacay, iyo in ka badan 500,000 oo barakacay, taas oo lagu daray 6.4 milyan oo qof oo horay u barakacay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Ugu yaraan 20 ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta oo ey ku jiraan 14 ka soo jeeda Koonfur Afrika ayaa lagu dilay iska horimaadka dhexmaray mucaaradka M23 iyo ciidamada Congo. Maydka askarta Koonfur Afrika ayaa la filayaa in maalinta Khamiista ah dib loogu celiyo dalkooda. Kinshasa ayaa Rwanda ku eedaysay in ey taageerto falaagada M23, ayna ciidamadeeda u dirtay bariga Congo markii uu billowday duullaankii ugu dambeeyay, halka Rwanda ey dhowr jeer beenisay eedeymaha ah inay taageerto fallaagada.

ISHA-AA.