DALKA IMAARAATKA OO KU LUG YEESHAY DILKII KHASHOGGI.
(MARAYKANKA):Wargayska caanka ah ee Washington Post ayaa waxa uu soo bandhigay sir cusub kuna saabsan dilkii wariyihii u dhashay Sacuudiga Jamaal Khaashoqji kaaso lagu dilay gudaha safaaradda Sacuudiga ee dalka Turkiga welina aan la hayn meydkiisa amaba raadkii dilkiisa,dilkaan ayaa waxaa ka qeyb qaatay ilaa shan iyo toban askeri kana tirsan sirdoonka Sacuudiga,hadaba waxaa hadda soo baxay war sheegaayo in telefoonka xaaska Jamaal(Xanaan) eey afduubtay shirkad laga leeyahay dalka Israa’iil lana yiraahdo PEGASUS una shaqeynaysay dalka Imaaraatka Carabta bil ka hor inta aan Jamaal la dilin sida lagu cadeeyey shaybaarka Citizen ee Jaamicadda Toronto dalka Kanada,waxaane dhacday in Xanaan lagu xiray garoonka diyaaradaha Dubai ayadoo lagula kacay fal aad u xun oo ah in indhaha laga xiray gacmaheedana la isku xiray ka dibne la geeyey qol mugdi ah laguna waraystay halkaas.ISHA WP.