SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DALKA IMAARAATKA OO HAWLGAL KA SAMEYEY SOMALIA.

(SAWIRKA)-KOOXDA ALSHABAAB.

(WASHINGTON)-Dalka Imaaraatka Carabta waxa uu ka mid yahay wadamada Khaliijka ee lugta kula jiro arrimaha wadamo fara badan kana tirsan Qaaradda Afrika,tusaale ahaan dalalka uu Imaaraatka lugta kula jiro waxaa ka md ah Libiya iyo Somaliya oo laga dareemayo joogitaanskiisa dhinacyada ciidamada iyo mid dhaqaale siyaasadeedba,hadaba bishii la soo dhaafay ee juun-16-keedii ee sannadkan-2023-k ayey ahayd markii ugu horeysay ey ciidamadda dalka Imaaraatka Carabta ey weerar cirka ah ku qaadaan fariisimo ey kooxda Alshabaab ku leeyihiin Gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya,weerarka ey qaadeen ciidamada Imaaraatka Carabta ayaa loo adeegsaday diyaardaha aan duuliyaha wedin ee ”DRONES”-KA ee lagu sameeyey dalka Turkiga loona yaqaano”BAYRAKTAR TB2’. Dalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka socdaa dabar gooynta kooxda Alshabaab waxaane muddo dhawr bilood ah kooxda looga xureeyey dhul baaxad weyn ey maamulayeen in ka badan shan iyo toban sano.

ISHA WARKA WASHINGTON.

HALKAAN KA SII AKHRISO.