DALKA IMAARAATKA CARABTA OO SOO BANDHIGAY…
(SAWIRKA)-SEDDEXDA NIN EE LOO QABTAY DILKII MALDOV-KA.
(ABU DHABI)-Wararka ka imanaayo dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa sheegaayi in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ey ku dhawaaqday in Hayadaha Amaanka ee awooda u leh ey bilaabeen iney baaritaano horudhac ah ku sameeyaan seddexdii Dembiileyaal ee loo soo qabtay iney geysteen dilka Zvi Kogan oo u dhashay dalka Moldov balse haysta dhalashada Isra’iil iyagoo isu diyaarinaya iney u gudbiyaan Xeerilaalinta Guud si ey baaritaanada u dhammaystiraan. Hayadaha awooda u leh ayaa shaaca ka qaaday Aqoonsiga seddexda Dembiileyaal ee haysta Dhalashada dalka Uzbekistan lana kala yiraahdo magacyadooda: (1)-Olombi Tohirovic, oo 28-jir ah. (2)-Maxamud Joon C/raxim, oo 28-jir ah. (3)-Caziiz Kamilovich, oo 33-jir ah. Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Imaaraatka Carabta ayaa xaqiijisay in Hayadaha Amniga ee awooda u leh iney si deg deg ah u qaadaan tilaabooyin lagu soo bandhigaayo xogta dhacdadaan,xaaladaheeda iyo ujeedooyinkeeda,loogana faa’iideysto awoodeeda dadnimo,xirfadeed iyo khibrad iyo farsamo oo horseeday in gacanta lagu soo dhigo dembiileyaasha iyadoo amaantay. Feejignaanta Hayadaha Amniga iyo xawliga ey ku socdaan ee lagu xaiijinaayo in la soo baaro dacwad oogista iyo soo qabshada dembiileyaasha muddo gaaban gudaheed iyo hufaanta ey leedahay la tacaalidda isku dayga la doonaayo in lagu khalkhal geliyo Amniga iyo Xasilloonida bulshada Imaaraatka Carabta.
ISHA-WAM.