SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DALKA FINLAND OO XIRAY XUDUUDIISA ILAA AMAR DAMBE.

(SAWIRKA)-QAXOOTI KU LUGEYNAYA XUDUUDA FINLAND IYO RUUSHKA.

(HELSINKI)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Finland ee Helsinki ayaa sheegaayo in Reysal Wasaraha dalkaasi Petteri Orpo ayaa xaqiijiyey in Xuduudaha dalkiisa uu la wadaago dalka Ruushka ey xiran yihiin isagoo ku andacoonaya in haddii la furo Ruushku uu si bareer ah u ogolaan doono in Muhaajiriinta Sharci darada ah ee ka imaanayo dalalka seddexaad ey soo galaan dalka Finland. Reysal Wasaare Orpo ayaa u sheegay Wariyeyaasha maanta oo Sabti ah isagoo ku sugan Lapland ee Finlandka ka hor shir weynaha Hogaamiyeyaasha Waqooyiga iyo Koonfurta Yurub,”Xuduudaha Ruushka waa xiran yihiin ilaa Ogaysiis dambe mana furi karno ilaa an helno wado loo maro hal ama dhawr xuduudeed. Waxaa lagu furi karaa heshiis lala galo dalka Ruushka waqtigaan xaadirka ah mana jiro isfahan nuucaas ah,waxa uuna xusay Reysal Wasaare Orpo in masuuliyiinta Finland looga baahn yahay iney fahmaan in haddii la furo marianada Xuduudaha “Ruushku uusan u soo diri doonin Finland Muhaajiriin aan wadan Dukumintiyo sax ah”. Reysal Waasre Orpo ayaa intaas raaciyey “Waxaan fahansanahay in Ruushku u ogolaan doono Muhaajiriinta iney gudbaan Xuduudaha iyagoo sita Dukumintiyo sax ah haddii aan furno”. Xadka u dhexeeyo wadamadda Finland iyo Ruushka ayaa lagu xiray go’aan ey gaareen Madaxda dalka Finland dhammaadkii sannadkii tegay ee 2023-kii si looga hortago qulqulka Qaxootiga ka imaanaayo wadamadda Seddexaad. Xukuumadda Helsinki ayaa ku eedeysay Xukuumadda Moosko iney si bareer ah dadka megengalyo doonka ah ugu dirto Xuduuda,halka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka ey diiday eedeymahaas iyadoo ku tilmaantay iney ku dhacyaaan heerka labanlaab ee reer Galbeedka.

ISHA-AA.