DALKA FINLAND OO KA HADLAY MAXKAMADDA ICC-DA.
(SAWIR)-KA.BANAANBAX LAGU TAAGERRAAYO FALASTIIN OO KA DHACAY FINLAND.
(ATHENS)-Dalka Finland ayaa shalay oo Jimca ahayd ku celiyey sida ey uga go’an tahay sharciga caalamiga ah ilaalintiisa waxayna carabka Finland ku adkaysay doorka Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ah ee la dgaalanka isla xisaabtan la’aanta. “Codsashada dhawr waaran oo xarig ah si wadajir ah isla baaritaan isku mid ah waa hab dhaqan sharci oo caadi ah. Sidaas darteed looma arki karo iney la mid tahay Maxkamado ey iska leeyihiin Isra’iil iyo Xamaas. Isbarbardhiga u dhexeeyo hogaamiyeyaasha dawladda ee si dimuqadaadi ah loo soo doortay iyo hogaanka urur aragagixiso waa wax aan la aqbali karin”,ayey Wasiiradda Arrimaha Dibadda Finland Elina Valtonen ku tiri hadal ey soo saartay iyadoo tixraaceysay go’aanka dacwad Oogaha Maxkamadda ICC-da ee ah in loo dalbado waaran lagu soo xiraayo Reysul Wsaaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu,Madaxa difaaca Youv Gallan iyo seddex Hogaamiye oo ka tirsan Xamaas. Wasiirad Elina ayaa intaa raacisay “Finland waxa ey garab taagan tahay Maxkamadda ICC-da oo Maxkamad sharci ah oo Madax Banaan isla markaasne dhexdhexaad ah. ICC-da waa in loo oglaadaa iney fuliso waajibaadkeeda iyada oo aan cabsi iyo Eex lahayn”. Madaxa dacwad Oogaha Maxkamadda ICC-da Karim Khan ayaa Isniintii hore dalbaday in la soo xiro Hogaamiyeyaasha Isra’iil iyo Xamaas “Dambiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah bani’adanimada “oo ey ka gaysteen Isra’iil iyo Marinka Gaza”. Dagaalka Marinka Gaza ee soo bilawday 7/10/2023-kii ayaa waxaa ugu yaraan ku geeriyooday dad gaaraayo ilaa 35,800-Qof oo Falastiin ah,dadkaan ayaa u badan Caruur iyo Dumar,waxaane ku dhaawacmay 80,200-Qof. In ka badan todobo bilood ayuu socdaan dagaalka Marinka Gaza,dagaalkan ayaa waxaa ku burburay dhismayaal fara badan oo ey ka mid yihiin Isbitaaladda,Iskooladda iyo Goobaha loogu adeego bulshadda.
ISHA/AA.