SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DALKA FARANSIISKA OO DIB U SOO CELIYEY…

FRANCE.

(PARIS)-Dalka Faransiiska ayaa dib u soo celiyey dad gaaraayo 47-qofood kana kooban dumar iyo caruur,tirada dumarka waa 15 halka tirada caruurta tahay 32,dadkaan ayaa laga soo wada celiyey dalka Suuriya sida muuqatana waa hooyooyin dhalay caruur ey aabayaal u yihiin dagaalyahano ka tirsan kooxdii Daacish ee looga adkaaday daagaalki ka dhacay dhulka u dhexeeyo dalalka Ciraaq iyo Suuriya,sidaas waxaa maanta oo Talaada ah sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska. “Caruurta waxaa la gayn doonaa xarumaha bixiyo adeega caafimaadka Carauurta si loo hubiyo caafimaadkooda loona marsiiyo baaris bulsho,dadka waa weyne waxaa loo gudbinaya hayadaha cadaaladda ee awooda u leh ineey qaadaan dacwadahooda”sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska.

ISHA WAR.AA.