SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DALKA DENMARK OO DEYN KA CAFIYEY SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)-WAIISRKA MAALIYADDA XFS IYO SAFIIRKA DENMARK Mr.Steen.

(MUQDISHO)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Biixi Imaan Cige iyo safiirka Dawladda Denmark u jooga dalka Soomaaliya Mr.Steen Sonne Andersen ayaa maanta si wadajir ah ugu saxiixay magaaladda Muqdisho heshiis Dawladda Soomaaliya looga cafinaayo lacagihii deynta ahaa ee dawladda Denmark ey ku leheed dalka Soomaaliya. Heshiiskaan ayaa daba socdo wada xaajoodyo gaar gaar ah kuwaaso Wasiirka Maaliyadda ee XFS Md.Biixi uu la lahaay dhammaan Xubnaha dalalka ku bahoobay Naadiga Paris ee horay u go’aamiyey bishii Maarso-2024-ka, iney cafiyaan deymihii ey ku lahaayeen dalka Soomaaliya, go’aankaas ayaa sidoo kale waajibinaayey in dawladda Soomaaliya ey si gaar ah ula macaamisho dalalka deymaha ku lahaay. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS Md.Biixi ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray heshiiska ka dib wuxuu ku yiri”Waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib u habeynta Maaliyadda iyo Guulihii laga gaaray hanaanka deyn cafinta,waxa uuna Wasiir Biixi uu mahadceliyey Dwaladda Denmark oo ah saaxiibo qiima leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya”.

ISHA-SNTV.