SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DALKA BILJAM OO U YEERAY SAFIIRKA ISRA’IIL,SABABTU?

(SAWIRKA)-BURBURKA HAYADDA HORUMARINTA BILJAM EE GAZA.

(BRUSSELS)-Dalka Biljam ayaa maanta oo Jimca ah waxa uu u yeeray Safiirka Isra’iil u joogo dalkaasi Biljam sababo la xiriiro duqeymaha ey ciidamadda Isra’iil u gaysteen Wakaaladda Horumarinta Biljamka ee Marinka Gaza. “Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Biljam Hadja Lahbib ayaa u yeeray Safiirka dalka Isra’iil ee Biljam Idit Rosenzweig-Abu oo ku magacaaban Golaha Arrimaha Dinbadda. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga ee dalka Biljam Caroline Gennez”ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Biljam. “Anigoo ku hadlaayo magaca dalka Biljam Wasiiradu waxa ey si adag u cambaareynayaan Qaraxii iyo Burburintii Xafiisyada Enabel oo ah Hayadda Horumarinta dalka Biljam kana hawlgasha Marinka Gaza” ayuu raaciyey hadalkiisa. Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday burburinta kaabayaasha dadka rayidka ah iney tahay mid aan gebi ahaanba la aqbali karin oo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah,Wasaardu waxay tiri”Rabshadaha waa in la joojiyaa”. Dalka Biljam waxa uu ku baaqayaa xabad joojin deg deg ah dhammaan dhinacyada,helitaan joogto ah oo aan caqabad lahayn ee gargaarka bani’adanimo iyo in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah in loo sii daayo dadka la haysto.

ISHA.AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.