DALALKA MASAR IYO TURKI OO KA HADLAY….
(SAWIRKA)-MADAXWEYNEYAASHA MASAR IYO TURKI.
(ISTANBUL)-Wadamadda Masar iyo Turkiga ayaa ka wada hadlay xaaladda Qaaradda Afrika iyadoo uu weli taagan tahay Muranka u dhexeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaane muuqata inuu sii fiicnaanayo xiriirka labada dal Masar iyo Turkiga,iyadoo taas laga duulaayo ayaa waxaa kulmay masuuliyiin ka kala socotay wadamadda Masar iyo Turkiga,waxa eyna ka wada hadleen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyadoo ey jirto xiisad adag una dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Masuuliyiinta ka kala socotay Masar iyo Turkiga ayaa shalay yeeshay laba wareeg oo wada hadallo ah oo kuna saabsan Qaaradda Afrika iyo dalka Liibiya ey si gaar ah isugu hayaan Masar iyo Turkiga,arrintaan ayaa muujineysa isku soo dhawaanshaha labada dal Masar iyo Tukiga kuwaaso ey horay uga dhexeysay colaad iyo xiisadda hadda ka dhex taagan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo taabaneyso labada dalba. Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Masar ayaa barteeda Facebook-ga ku sheegtay in wada hadaladaas diiradda lagu saaray Arrimaha Gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas. Wada hadalka ayaa waxaa hogaaminaayey dhinaca dawladda Masar Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar ee Qaaradda Afrika Ihaab Cawad iyo Elif Ulge oo ah Agaasimaha Guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ee Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Turkiga.
ISHA-NA.