SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DALAALNIMADA QADAR KA WADO BARIGA QAARADDA AFRIKA.

Waa wax aan la wada socono danaha dawladda Qadar ee Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya,marka laga hadlaayo soomaaliya iyo Qadar waxaa isla markiiba maskaxda qofka soomaaliga ah ku soo dhacaayo doorkii eey ka qaadatay dawladda Qadar in Farmaajo ku guulasyto xilka Madaxweynaha dalka Soomaaliya isla markaasne eey meesha uga saartay dawladihii kale ee kula tartamaayey hanashadda hogaanka dalka soomaaliya,waxayna dawladda Qadar todobaad ka hor muujisay awooda eey ku leedahay siyaasadda Soomaaliya ka dib markii eey si qasab ah u soo nooleysay xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya arrintaan ayaa waxaa ka hadlay warbaahinta caalamka intooda danayso bariga afrika. Qadar iyo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya soo bandhigidda awooda dhexdhexaadinta wadamadda geeska afrika waa mid iska muuqato,waxayna Qadar dib u bilawday dalaalnimadeeda eey ku dhexdhexaadinayso Soomaliya iyo Kenya laakinse waxaa jiro tartan dhinaca nabadda ah si loo helo xiriir siyaasadeed oo buuxa una dhexeeyo dalalka Soomaaliya iyo Kenya. XIGASHO STIMSON.

RIIX HALKAAN