SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DAGAALKA RUUSHKA IYO YUKREEYN.

Tan iyo marka laga soo bilaabo 24/2/22-ka,waxaa isa soo taraayey khasaaraha soo gaaray ciidamadda Ruushka ee ku duulay dalka Yukreeyn,warbixin la xiriirta dagaalka eey soo saartay xukuumadda Yukreeyn ayey kaga hadashay khasaaraha gaaray dalka Ruushka intuu socday dagaalka,warbixinta Yukrayn ayaa sheegeyso ineey khasaaro lixaad leh u geysteen Ruushka waxayna warbixintu u qorneed sidaan:Ruushka waxaa laga burburiyey qalab ciidan oo fara badan eyna ku jiraan:

121-diyaradaha dagaalka ah.

582-Taangi.

52-Difaca Hawada ah.

127-Diyaaradaha qumaatiga u kaca ah.

1664-Baabuurta Gaashaman ah.

294-Madaafiicda goobta ah.

94-Gentaal.

Askarta Ruushka ee lagu dilay dagaalka ayey Yukreeyn ku sheegtay ineey dhan yihiin 16,600-askeri.

Ruushka oo isagana dhinaciisa ka hadlay khasaaraha soo gaaray ayaa sheegay in laga burburiyey:

1144-Baabuurta Gaashaaman ah.

73-Booyadaha Shidaalka Qaada ah.

56-Baabuurta qaada radaarada ah.

7-Doomaha dheereeye ah.

Qaramadda midoobay oo arrinta dagaalka Ruushka iyo Yukreeyn ka hadashay ayaa shegtay ineey dagaalka ku dhinteen 1,104-qofood oo shacab ah,1754-qofoodne ku dhaawacmeen, waxaanu dagaalka guryahoodii ka qixiyey dad garaayo 3.8-milyan oo qofood.

SUUQBACAAD MEDIA.