SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DAGAALKA KA DHANKA AH ALSHABAAB IMISA AYUU QAADAN DOONAA?

(SAWIR)-KA. LA TALIYE XUSEEN MACALLIN.

(MUQDISHO)-La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxeynaha Soomaaliya,Xuseen Macallin ayaa sheegay in Qorshihii dawladda ee dagaalka ka dhanka ah kooxda ALshabaab aanuu waxba iska bedelin isaga oo intaas ku daray in qiyaasta dawaladda ey tahay in kooxda ALshabaab eysan dhaafi doonin bilaha soo socdo. “Horumar aan caadi ahayn ayaa laga gaaray dagaalka ALshabaab. Dagaalka marka lagu jiro waxaa dhici kara waxyaabo gaabis ah ama habac ah oo aan markii hore la qorsheyn,laakin istaraatiijiyadda dawladda ee dagaalka ALshabaab waxba iskama bedelin”ayuu Xasan Macallin ku sheegay waraysi uu Jimcihii siiyey Warbaahinta DFS. Mar uu ka hadlaayey marxaladaha ey ku sugan yihiin Madaxda kooxda ALshabaab ayuu yiri”Dadka ALshabaab Mdaxdooda ka warhaayo sida ey hadda u fikirayaan waa dad meel raadis ah,laakin dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in la gaarsiiyo waqtigii ey is dhiibi lahaayeen ama ey dalka ka carari lahaayeen”. Waxa uu sheegay iney DFS u sahlan tahay iney is soo dhiibaan Madaxda kooxda ALshabaab ee duurka ku dhuumaleysanaayo. La Taliye Xasan Macallin ayaa intaas ku daray iney jiraan xubno Ajnabi ah oo ka tirsan kooxda ALshabaab oo uu sheegay in la macaamilkoodu ey u baahnaan doonto “Iskaashi Caalami ah”. Madaxweynaha Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dib Doorashadiisii ku dhawaaqay dagaal dhawr weji leh kana dhan ah kooxda ALshabaab iyada oo wixii intaas ka dambeeyey degaano ka tirsan G/Mudug,H/shabeele iyo K/galbeed ey ka dheceen kacdoono lagag soo horjeedo kooxda ALshabaab,waxaane ciidamadda DFS oo kaashanaayo maleeshiyaad ka tirsan dadka degaanka ey kooxda ALshabaab ka xoreeyeen magaalooyin,Tuulooyin iyo degaano badan. Hawgalka ka dhanka ah kooxda ALshabaab waxaa sidoo kale taageero duqeymaha ey fuliyaan ciidamadda Maraykanka,Turkiga iyo kuwa Midawga Afrika ee Atmis,

ISHA/VOA.