SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DAGAALKA KA DHACAY CAASIMADDA GARAWE.

(SAWIRKA)-CAASIMADDA GARAWE.

(GARAWE)-Wararka ka imaanayo caasimadda Dawlad Gobleedka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in xaaladda magaaladda Garawe ey hadda degan tahay ka dib markii maanta uu halkaasi ka dhacay iska horimaad dhaliyey dhimasho iyo dhaawac oo u dhexeeyey ciidamo la sheegay iney la socdeen nin Youtuber ah laguna magacaabo Kabtan Ayuub iyo rag kale oo hubaysnaa,sida laga soo xigtay dad goob joogayaal ah iska horimaadka oo ka dhacay barxadda Garawe ayaa la soo sheegay inuu halkaasi ku dhintay hal qof oo dumar ah lana xaqiijiyey iney tahay Youtuber waxaane ku dhaawacmay hal qof oo kale. Dawlad Goboleedka Puntland ayaa la ciirciireysa Amni darro baahsan oo laga cabsi qabo iney ku baahdo dhammaan degaanada maamulkaasi,Mucaaradka Puntland oo inta badan dusha laga saaro haddii uu dhaco iska horimaad hubaysan gudaha magaladda caasimadda ah ee Garawe ayaa iska diiday wixii dhacay maanta,dhinaca kale,magaaladda Bosaso ee ah caasimadda Gobolka Bari ayaa iyadana la soo sheegayaa iney ciidamadda amaanka ey kala eryeen dad isugu soo baxay iney taageeraan go’aanka xukuumadda uu hgaamiyo Deni ee ah Qof iyo Cod.

ISHA/BBC-SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRISO.