SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DAGAALKA GAZA OO MAANTA GALAY MAALINTIISII 140-AAD.

(SAWIRKA)-DAGAALKA GAZA OO GALAY MAALINTIISII 140-AAD.

(GAZA STRIP)-Waxa aan dhammanteen la soconaa in dhulka reer Falastiin uu hadda ka socdo dagaal aad culus una dhexeeyo ciidamadda difaac Isra’iil iyo xoogaga Xamaas,dagaalkan ayaa waxa uu soo bilawday Isniin 7/10/2023-kii waxaane weerar culus oo jihooyin kala duwan ah qaaday Xamaas waxa eyna gashay dhulka ey Isra’iil maamusho,Xamaas ayaa halkaasi waxa ey ka gaystay dil iyo afduub,sida ey Isra’iil sheegtay Xamaas waxa ey weerarkaasi ku dishay dad gaaraayo ilaa 1,200-qofood oo rayid ah waxa eyna Xamaas soo afduubtay dad gaaraayo ilaa 200-qofood amaba ka badan oo reer Isra’iil ah. Tan iyo Oktoobar todobadeedii ciidamadda dalka Isra’iil waxa ey weerar ku hayaan Marinka Gaza si ey u soo furtaan dadka laga haysto una soo qabtaan kuwa ey raadinayaan,dagaalka Marinka Gaza ayaa waxaa ka dhashay dhibaatooyin fara badan ey ugu horeeyso dhimasho dad shacab ah oo aan waxba galabsan,burbur hantiyeed iyo barakac baahsan oo sameeyey wadamadda deriska la ah Marinka Gaza. In la soo daayo Maxaabiista ey kala haystaan labada dhinac ayaa weli dadaal loogu jiraa welina ma ah mid laga gaaray guul kama dambays ah oo waxaa weli socdo is afgardkii lagu soo dayn lahaay Maxaabiista labada dhinaca,arrintaan ayaa ah mid aad u adag loona baahan yahay in laga ilaaliyo wixii turxaan ah,waxaane garwadeen ka ah dalalka Masar,Qadar iyo Maraykanka. Hadaba su’aasha ayaa ah dagaalka Marinka Gaza ka socdo maxaa dhibaato ah ee uu gaystay? Wargayska MIDDLE EAST MONITOR ayaa soo saaray sawir ka hadlaayo inta ey gaarsiisan tahay dhibaatada dagaalka Marinka Gaza haddii ey noqon lahayd dhimashad,dhaawaca,burburka hantiyeed iyo dadka nolol iyo geeri lagu la’ayahay.

ISHA/SB-MEDIA.