DAGAAL KA DHACAY GARAWE.
WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA PUNTLAND JUXA.
(PUNTLAND)-Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa bilihii la soo dhaafay waxa uu isu diyaarinaayey inuu qabto doorashooyinka Golaha degaanka ee maamulkaas 25/5/23-ka,ujeedada laga leeyahay doorashada ayaa ah in Puntland ey ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah marka la gaaro xiliga doorashada Baarlamaanka iyo tan Mdaxweynaha Puntland kuna beegan sannadka 2024-ka. Arrintaan ayaa waxaa ka dhashay khilaaf aad u weyn una dhexeyo siyaasiyiinta Puntland,qaar ayaa u arka doorashada uu wado Madaxweyne Deni iney tahay miduu waqtiga ku kororsanayo halka taageerayaasha Deni qabaan in Puntland ka gudubto doorashooyinka qaabka qabiil loo qabanaayo,si kataba ha ahaatee waxaa xalay magaaladda Garawe ee ah caasimadda Puntland barigeeda ka dhacay dagaal aan waxba la isula harin una dhexeeyo ciidamo taageersan Mucaaradka maamulka Puntland iyo ciidamadda maamulka ka amar qaato ee PFPM-ta ey tababartay dawladda Imaaraatka Carabta dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa shan askeri kana kala tirsan labada kooxood ee is dagaashay,waxaane xirmay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Garawe maanta oo Talaada ah sida uu sheegay wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Juxa.Dhinaca kale Mucaaradka Puntland ayaa soo saaray Wae Saxaafadeed ka kooban sideed Qodob.
ISHA WARKA CAASIMADDA ONLINE.