DAGAAL KA DHACAY DEGAANKA YAAQ-BIRI WEYNE.
(SAWIRKA)-ILAALADA XILDHIBAAN JEESAW IYO XOOGAGA DEGAANKA YAAQ-BIRIWEYNE.
(YAAQ-BIRIWEYNE)-Wararka ka imaanayo degaanka Yaaq-biriweyne ee degmada Wanle-Weyn Gobolka Shabeeladda Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegaayo in halkaasi xalay uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyey xoogaga degaanka ee uu hogaaminaayey Xildhibaan Daahir Amiin Jeesaw iyo kooxdii soo weerartay ee Alshabaab,dagaalka ayaa ahaay mid culus jilibkana la isu aasay waxaane ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac ah. Xildhibaan Jeesaw oo la hadlay mid ka mida Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in xoogaga degaanka ey iska caabiyeen weerarkii uga yimid kooxda Alshabaab kana dileen dhawr maleeshiyo,Xildhibaanka ayaa intaas raaciyey in maanta oo Isniin ah iney Warbaahinta u soo bandhigi doonaan Meydadkii kooxda Alshabaab ey kaga carartay degaanka Yaaq-biri Weyne.
ISHA/HIIRAAN.