DAGAAL CULUS OO MAANTA KA DHACAY DHARJAALE.
(SAWIRKA)-KOOXDA DAACISH EE PUNTLAND.
(BOSASO)-Maalmihii la soo dhaafay degaanadda Dawlad Goboleedka Puntland waxaa ka socday diyaargaraw dagaal looga soo horjeedo Argagixisada AL-shabaab iyo Daacish ee ku sugan Buuraha Gobolka Bari ee maamulka Pluntland. Puntland ayaa soo bandhigtay ciidamo ey ku sheegtay iney yihiin kuwii Argagixisada ka saari lahaay dhulka ey ku dhuumaaleysanayaan,balse saakay maxaa ka dhacay Puntland oo aanad ogayn?. Ururka Daacish oo ku xoogan degaanadda Puntland ayaa saakay aroortii waxa uu weerar si aad ah u qorsheysan uu ku qaaday guri ey ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland eyna ka mid yihiin Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Puntland Md.Maxamed Baari Shire iyo Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Gen.Aden Cabi Xaashi. Weerarka ayaa loo adeegsaday gaari Toyota Surf ah taaso laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa,waxaane lala beegsaday halkii ey deganaayeen masuuliyiinta aan soo xusnay,intaas ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah una dhexeeyey kooxdii weerarka soo qaaday ee Daacish iyo askertii Puntland ee halkaasi joogtay. Dagaalka ayaan laga helin wax war ah oo sugan balse warar hordhac ah ayaa sheegaya iney ku dhinteen ilaa 10-ruux eyna ku dhaawacmeen dad gaaraayo ilaa 30-Qofood oo isugu jira askar iyo shacab,waxaane kooxda Daacish ee soo qaaday weerarka u suurtagshay iney ka baxsadaan goobta ka dib markii laga dilay ilaa 6-dagaalyahan una badan ajaanib,waxaane goobta ku gubtay oo dambasta noqday gaadiid la sheegay inuu sahay u siday ciidamadda Puntland. Degaanka Dharjaale ee maanta la isku fara saaray ayaa ka tirsan degmada Isku-Shuban ee G/Bari,waxaane dhawaan halkaasi saldhigyo ka sameystay ciidamadda Puntland ee isu diyaarinaya dagaalka Daacishta ku jirta buuraha Calmiskaad. Dhinaca kale,Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Md.Siciid C/laahi Deni ayaa gaaray Isbitaalka weyn ee magaaladda Bosaaso halkaasi ey ku jiraan askartii ku soo daawacantay dagaalkii saakay ka dhacay degaanka Dharjaale,waxa uune MW-Deni magacaabay gudi ka kooban ilaa 7-qofood kuwaaso ah Gudiga Taakuleynta iyo Dryeelka Dhaawcayadda ee Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland,gudigaan ayaa ka shaqryn doono garab istaaga askarta ey waxyeelo soo gaarto si looga war qabo iyaga qoysaskooda. Magacyadda Gudiga Waa:
(1)-Wasiirka Caafimaadka Puntland, Siciid Jaamac Cali(Qoorsheel).
(2)-Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, C/laahi Bille Nuur.
(3)-Wasiirka Shaqdaa iyo Arrimaha Bulshada Puntland, C/raxman Axmed Cabdulle.
(4)-Wasiiru Dawlaha Arrimaha Gudaha Puntland, Yuusuf Maxamed Wacays(Dheddo).
(5)-La-Taliye Axmed Cabdi Hurre.
(6)-Gud.G/Bari.C/risaaq cali Siciid.
(7)-Gud.Deg.Bosaaso.C/fataax Xaaji Shanle.
ISHA-SB-MEDIA.