SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DAGAAL CULUS OO KA DHACAY ABOOREY.

(SAWIRKA)_MALEESHIYAADKA ALSHABAAB.

(B/BURTE)-Wararka ka ka imaanayo degmada B/burte ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaayo in degaanka Aboorey kana tirsan degmada B/burte uu ka dhacay dagaal aad u xoogan aan waxba la isula harin,dagaalka ayaa yimid ka dib markii dagaalyahano ka tirsan kooxda Alshabaab ey weerar ku qaaden fariisimo ey iska leeyihiin ciidamadda dib u xureynta degaanka. Dagalka oo ahaay mid aad u xoogan ayaa la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala gedisan,qof ka mida dadka degaanka lagu dagaalamay ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in dagaalka ey ku dhinteen afar qofood oo seddex ka mida ey yihiin maleeshiyaadkii Alshabaab ee soo weeraray aboorey,xubnihii Alshabaabka ahaay kuna dhiman dagaalka ayaa waxa ey dib ugu laabteen halkii ey duulaanka ka soo qaadeen oo ahayd Galbeedka Wabiga ee Gobolka Hiiraan,ma jirto cid madax banaan oo xaqiijin karta khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Aboorey.

ISHA/SB-MEDIA.