SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DADKII DILKA KA GAYSTAY KANADA OO LA …..

WIILASHII DILAY DADKA LAAYEY OO MEYDADKOODI LA SOO HELAY.

(CANADA)-Dalka Kanada waxaa ka dhacay weerar loo adeegsaday Mindi waxaane weerarkaasi lagu dilay dad gaaraayo ilaa toban ruux halka lagu dhaawacay sideed iyo toban kale,weerarka ayaa waxaa gaystay laba wiil oo walaala ah lana kala yiraahdo Damein(31)-jir iyo Myles(30)-jir oo cadiin ah ciidamadda booliska dalkaasi kanada oo baadi goob ugu jiray raadinta labadaan wiil ayaa markii hore waxa eey soo heleen meydka wiilka weyn Damein waxa eeyna ka soo heleen dhul uu ku badan yahay cawska. Myles oo la la’aay in mudda ah ayey booliska soo heleen meydkiisa isagana shalay oo isniin ahayd,booliska ayaa diiday inuu ka hadlo dhimashada labadaan wiil sida eey u dhacday waayo dadka qaar ayaa qaba in wiilka yar(Myles) uu dilay walaalkiisa Demein ka dibne isaga is dilay balse booliska ayaa wado baaritaan la xiriira dhimashada labadaan wiil ee gaystay dhibka baaxadda weyn.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.