SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DADKII DILAY WASIIRKII CADAALADDA KGS OO…

AUN-WASIIRKA CADALADDA KGS LUGBUUR.

(BAYDHABO)-Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliyeed G/dhexe.Shuute iyo xeer ilaalinta maxakamadda CQS ayaa maanta waxa eey magaaladda Baydhabo oo hadda ah caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya(KGS) ugu fariistay dil loo gaystay wasiirkii hore ee cadaaladda KGS AUN-Sheekh Xasan lugbuur,dilka wasirrka ayaa waxaa sheegtay Alshabaab. Maamulka KGS oo soo qabtay mid ka mida ragii fuliyey dilka wasiirka iyo gabar la sheegay ineey u haysay qaraxa loo adeegsaday Wasiirka ayaa maanta waxa eey ka soo hor muuqdeen maxakamadda CQS,wiilka ayaa qirtay dilka Wasiirka waxaane dilka ku wehliyo walaalkiis oo giibta ka baxsaday balse arrinta la yaabka lahayd ee dhacday maxkamada ee uu sheegay ayaa ahayd wiilasha dilay wasiirka qoyskooda uu deris la ahaay wasiirka isna yaqaaniin kaalmayn jiray markii eey wax u baahdaan,gabadha u haysat qaraxa loo adeegsaday dilka Awasiirka ayaa ah gabar haysata caruur indhahana aan waxba ka arag,go’aanka maxkamada ayaa dib loo dhigay waana la soo sheegi doonaa.

ISHA WARKA SUUQBACAAD MEDIA(SOMALIA).

HALKAAN KA DHEGAYSO DACWADA.