SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DAD REER SUURIYA AH OO LA OGAADAY IN LA LAAYEY.

(SUURIYA):Dhulka u dhexeeyo dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa waxaa ka abuurantay koox la baxday Khilaafada(Daacish) kooxdaan ayaa waxa eey bilawday ineey sameeyso afduub,dil arxan la’aan ah iyo in adduunka eey uga soo biiraan dhallinyaro u badan kuwa aan waxba ka aqoon xagjirnimada,si kooxdaan looga hortago ayuu dalka Maraykanka waxa uu abuuray isbahaysi uu isaga hogaaminaayo kaaso la dagaalmay kooxda Daacish ugu dambayntiina kaga guulaystay dagaalkii uu kula jiray.Wargayska New York Times ayaa maanta oo Axad ah(14/11/2021)-ka soo bandhigay tacadiyo ka dhan ah dad shacab ah una dhashay dalka Suuriya tacdiyadda ayaa ka dhacay halka la yiraahdo Baaguus waxaana gaystay diyaadaha dalka Maraykanka(F-15 iyo Drones) kuwaso wargaysku sheegay ineey dileen dad gaaraayo ilaa todobaatan(70) qofood una badan dumar iyo caruur mana la sheegin in dadkaan la laayey oo waa la isaga aamusay tan iyo sannadkii 2019-kii,weerarada eey qaadeen diyaadaha Maraykanka ayuu wargayska ku sheegay ineey dhammaayeen kun diyaarad weeraradoodana waxa eey u isticmaaleen 2,729-bamboyin iyo gantaalo isugu jiro.ISHA NYT.

HALKAAN KA SII AKHRI.