SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DAD LA LA’AA OO MEYDADKOODA LAGA DHEX HELAY GAARI.

(SAWIRKA)-GARAASHKA LAGA SOO HELAY GAARIGA EY KU JIREEN MEYDADKA LABADA QOFOOD.

(MUQDISHO)-Dadka Soomaaliyeed intooda badan waxyaabo eysan ku braarugsaneyn ayaa jira kuwaaso ah waxyaabaha casriga ah ee dibadaha laga keeno Qaabka loo isticmaalaayo,tusaale ahaan Gaadiid eysan Xabaddu kari ee loo yaqaano BULLET PROOF waxa ey ka mid yihiin waxyaabaha ku soo badanaayo gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Gaadiidkan ayaa inta badan waxaa isticmaalo masuuliyiin ka tirsan DFS iyo dad kale oo maal qabeen ah,Gaadiidkan oo ah mid casri isticmaalkiisa ayaa u baahan waxbaraho gaar ah sida Furitaanka albaabadiisa iyo isticmaalka waxyaabaha kale uu leeyahay baabuurka marka aanad haysan furihii baabuurka,qofka darawalka ka ah ee aan Qori Akhrine shaqadana lagu keenay Qabiil waa mid leh halisteeda eyna ka dhalan karaa dhibaatooyin fara badan aan lala socon jiritaankooda,hadaba maxaa maanta Muqdisho ka dhacay oo aanad ogayn? Meydadka laba qofood oo kala ah nin iyo xaaskiisii hore ey kala tageen ayaa laga soo helay xero ku taalo agagaagrka Tiyaatarka Qaranka iyagoo isla fadhiya kursiga gadaale ee baabuur nuuciisu yahay kuwa eysan Xabadu karin(Bullet Proof) uuna lahaay masuul hore Md.Zubeyr,labada marxuum ayaa lagu kala magacaabi jiray Abuukar Yuusuf Ibraahim oo ahaay darawalkii Xoghayihii Joogta ee Xafiiska Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilka iska Casilay bil ka hore Md.Maxamed Zubeyr,qofka labaad ayaa ah gabar magaceeda lagu sheegay in la yiraahdo Xamdi C/qaadir Cabdulle. Labadaan qofood ayaa la la’aay muddo lagu sheegay ilaa seddex maalmood,hadda hawshii waxaa la wareegay hayadda CID-da gacantana ku hayso meydadka labada qofood ee geeriyood soona sheegi doonto sababta ey u dhinteen in kastoo ey u eg tahay iney u dhinteen Neefta oo ku dhegtay.

ISHA/CAASIMADDA.

RIIX HALKAN.