DAD KU DHINTAY BANAANBAXA KENYA.
BANAANBAXA KENYA.
(NAIROBI)-Tan iyo markii ey dhacday doorashada dalka Kenya bishii Agoosto-2022-kii waxa natiijada doorashadaasi ka Biya diidsanaay hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Kenya Raila Odinga waxa uuna sheegay in goobaha qaarkood aan la tiran codadkooda sidaas darteedna eysan ansax ahayn natiijada doorashada. Hadaba dhawr maamlmood ka hor waxaa qeybo ka mida dalka Kenya ayna ku jirto magaaladda Caasimadda ah ee Nairobi ka dhacay banaabaxyo wato rabshado sababay dhimasho iyo burbur hantiyeed,arrintaan ayaa noqotay mid gaartay iney ka hadlaan madaxda ururka Midawga Afrika(AU)-da. Gudoomiyaha ururka Midawga Afrika(AU) Moussa Faki Mahamet ayaa sheegay inuu si aad u qoto leh ahmiyad u siinaayo rabshadaha sare u kacay ee ka socdo caasimadda Kenya ee Nairobi kuwaaso ka bilawday banaanbax guud isuna bedelay banaanbax wato rabshado waxa uuna Moussa Faki ku baaqay in hoos loo dhigo dhimashada dadka. Qoraal uu soo saaray Moussa Faki ayuu ku sheegay in natiijada rabshadaha ey noqotay mideey dad ku dhinteen hantina ku burburtay iyo inuu gebi ahaanba istaago ganacsigii magaaladda caasimadda ah ee Nairobi.
ISHA WARKA AA.