DACWADII JACOB ZUMA OO DIB LOO DHIGAY.
(JOHANNESBURG)-Maxkamad ku taalo dalka Koonfur Afrika ayaa maanta oo Isniin ah waxa eey dib u dhigtay dacwadii inta badan la sugaayey ee loo haystay madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma oo sideetan(80)-jir ah.Maxkamada sare Pietermaritzburg garsooraheeda Piet Koen ayaa dib u dhigay dacwadii mususqa la xiriirtay loona haystay madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma sida eey sheegtay maxkamada dacwada ayaa waxaa la qaadi doonaa 17/5/22-ka,sababta loo laalay dacwad Zuma ayaa lagu sheegay ineey tahay racfaan uu Zuma ka qaatay maxkamada sare racfaank taaso laga yaabo ineey horseedo in xeerbeegsiga meesha ka saaraan dacwadda loo haysto Zuma.Dacwada ayey ahayd in la qaado maalinta Talaatada ah 12/4/22-ka laakinse wararka qaar ayaa sheegaayo in Zuma la geeyey isbitaalka xaaladiisa caafimaad oo liidata aawadeed.
XIGASHO:ANADOLU.