DACWAD KA FURANTAY MARAYKANKA.
(SAWIRKA)-MAXKAMADII WIILKII LA DILAY.
(USA)-Ninkii ku edeysnaayey dilka wiil yar oo asal ahaan ka soo jeedo Falastiin balse haysta dhalshada Maraykanka isla markaasne dhaawac halis ah u gaystay hooyadii dhashay wiilka geeriyooday ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu ka soo hor muuqday Maxkamad ey fadhiyeen xeerbeegtida Gobolka Illionois ee dalka Maraykanka. Joseph Czuba waa 71-jir waxa uuna ku edeysan yahay inuu gaystay weerar uu u adeegsaday Mindi kuna dilay wiil yar lana yiraahdo Wadiih AL-Fayuumi kuna dhaawacay hooyadiis oo la yiraahdo Xanaan Shahin bishii Oktoobar-14-keedi ee sannadkan-2023-ka. Ninkan gaystay dilka ayaa ah ninka iska leh hoyga ey deganaayeen Qoyska uu weeraray isaga oo ka caraysnay weerarkii ey xarakada Xamaas ku qaaday Isra’iil 7/10/23-ka.
iISHA/ARAB.