SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DACWAD CULUS OO KA SOCOTO ISTANBUL…

(SAWIRKA)-ISBITAALADDA EY WAX KA DHECEEN.

(ISTANBUL)-Todadaabdyadii la soo dhaafay dalka Turkiga waxaa ka taagneed arrin la xiriirta iney soo bexeen koox disha caruurta la geeyo Isbitaaladda dalka Turkiga,hadaba maamulka caafimaadka dalka Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in 47-tuhmane oo ey ku jiraan Takhaatiir iyo Kalkaaliyeyaal caafimaad ey ku socdaan baaritaano ku saabsan iney been abuureen warbixinadda Caafimaadka iyo iney maamuleen daaweyn aan haboneyn ee dhallaanka. Dacwad oogayaash dalka Turkiga ayaa ku raad joogo isla markaasne doonaayo in 500-sano oo Xabsi ah lagu Xukumo hogaamiyeyaasha burcada ah oo lagu soo eedeyey iney sababeen dilal dhawr ah loona geystay dhallaan iyagoo dhallaanka cusub geliyey xarumaha daryeelka deg dega ah si ey dhaqaale fara badan uga helaan. Edeynta oo dhammaystiran ayaa ka kooban ilaa 494-bog taaso ka dhan ah 47-tuhmane oo ey ku jiraan shaqaalaha caafimaadka,waxa eyna daaha ka rogay in dhallaanka loo wareejiyey isbitaalo laga soo doortay Istanbul halkii tasiilaad bixin kara daryeel haboon,waxaa hadda arrintaan u xiran ilaa 22-tuhmane.

ISHA-DS.

HALKAAN KA SII AKHRISO.