SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DABLE KU MARQAATI FURAY TALIYIHIISA..

(SAWIRKA)-DABLE CALI ISAAQ.

(MUQDISHO)-Maaalmihii la soo dhaafay waxaa Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya ka socotay dacwad ku saabsan Hub la xaday,dacwadaan ayaa maanta soo afjarantay oo xukun ayaa laga soo saaray,hadaba sidee ayey wax u dheceen? Dable Xooga Dalka Soomaaliyeed Cali Isaaq Cabdi oo ahaa fure hayihii Hubka Ciidanka ee Ururka 184-aad, Guutada 18-aad ee Kumaandooska GorGor ayaa kasoo hor muuqday Maxkamada Ciidamada ka dib markii Maxkamadu ey ugu yeertay inuu ka marqaato furo wixii ka dhacay Ururka uu ka tirsanaay. Eedeysanayaasha ayaa lagu soo eedeeyey iney sameyeen Xatooyo ka dhan Hubka ciidanka oo Qoryo ah kuwaaso gaaraayey ilaa 21-Qoray nuuca loo yaqaano G3 faal,iyadoo Dable Cali fashiliyey hubkii ka baxay keydka iyo in qeyb ka mid ah la iibsaday taaso laga helay dhaqaale dhan ilaa $8,000 Doolarka Maraykanka ah. Dhanka kale,Gudoomiyaha Maxakamadda CQS ee Darajada Koowaad Md.G/Sare.Xasan Cali Shuute ayaa ku bogaadiyey Dable Cali Isaaq Gudashada uu Gutay Waajibkiisa,isagoo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha faray in la sugo maanka Dable Cali lana dalacsiiyo dable cali Isaaq.

ISHA-SNA.