DAACISH-TA SOOMAALIYA YAA U MADAX AH?
(SAWIRKA)-DAACISH.
(SOMALIA)-Warbixin ey soo saartay kooxda kormeerka cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay, oo ku saleysan sirdoonka dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ey jirto "kalsooni sii kordhaysa" in Hogaamiyaha Daacish uu yahay Abu Xafs Al-Hashimi Al-Qurashi. Ninkan ayaa noqonaya Hoggaamiyihii shanaad ee kooxda tan iyo dilkii Abu Bakr Al-Baghdadi. Kooxdan oo mar ka talineysay dhul ballaaran oo ku yaal dalalka Ciraaq iyo Suuriya iyadoo sidoo kale saameyn weyn ku leh dalal ku yaalla Waqooyiga iyo Bariga Afrika. Soomaaliya ayaase loo arkaa inay tahay meesha ey saameynta muuqata ku leeyihiin. Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa saldhigooda ugu weyn ku leh buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari, halkaas oo ey ciidamada Puntland dhawaan ka bilaabeen guluf dagaal oo loo arko kii ugu xooganaa oo ciidamada Puntland iyo kooxda dhexmara. Maraykanka ayaa inta howlgalada Puntland ka wadeen buuraha Calmiskaad halkaasi ka fuliyey duqayn dhanka cirka kaas oo howlgalka Maraykanka ee Afrika ey dhawaan sheegeen inay ku dileen dhowr iyo toban xubnood oo ka mida kooxda Daacish. "Aqoonsiga Hogaamiyaha Daacisha ama ISIS , Abu Hafs Al-Hashimi Al-Qurashi, ayaa ahayd mid aan caddayn. Waxaa jiray kalsooni sii kordhaysa oo ka dhex muuqata qaar ka mid ah Dowladaha ah, taasoo sheegaysa in Al-Qurashi uu yahay Cabdiqaadir Muumin, oo ah Madaxa Daacish ee Soomaaliya, laakiin shakiga laga muujiyey ayaa sii socda,"ayaa lagu yiri warbixinta. Muhiimadda uu Muumin, u leeyahay hawlgallada caalamiga ah ee Daacish shaki kuma jirin. Warbixinadii hore ee sirdoonka Qaramada Midoobay ayaa soo jeediyay in la dalacsiiyay si uu u Hogaamiyo Wilaayada Islaamiga ah, taasoo si dhaba u siinaysa xakameynta faracyada kooxda ee Afrika sida lagu xusay warbixinta kooxda. “Tani waxay muujin kartaa isbeddel qorshaysan oo ku wajahan qaab hawlgal oo si ka dheereeya, meel ka fog goobta dagaalka aasaasiga ah," ayaa lagu yiri warbixinta. Ma aha in dhammaan dalalka bixiyey xogta sirdoon ee warbixinta ey isku raacsan yihiin Tan iyo geeridii Hogaamiyaha Daacish Abu Bakr Al-Baghdadi 2019, kooxda ayaa isku dayday inay ilaaliso Hogaamiyeyaashooda iyagoo qarinaya aqoonsigooda iyo sidoo kale yaraynta muuqaalada dadweynaha. Sanadkii 2022-kii kooxda Daacish ayaa xaqiijisay geerida Hoggaamiyihii Ururkaasi Abuu Xuseen Al-Xuseeni Al-Qurashi, waxayna badalkiisa u magacaabeen Abu Xafs Al-Hashimi Al-Qurashi. Haddii Abu Hafs uu yahay Mumin ee Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ka badbaado ugu yaraan hal isku day dil oo duqayn hawada oo Mareykanka fuliyey bishii May 2024-kii. Warbixintii toddobaadkan ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tan iyo duqayntii, Mumin uu "qaaday tillaabooyin si uu u xadido soo bandhigida kooxda ee dareenka aan loo baahnayn ee dibadda”.
WAA KUMA C/QAADIR MUUMIN?
Inta la ogyahay,C/qaadir Muumin wuxuu dhashay Sannadihii Kontomeeyadii,isagoo ku dhashay degmada Qandala ee Gobolka Bari,Puntland Soomaaliya.
Waxaa uu ka mid ahaa culimadii Masaajidka Quba oo ku yaala magaalada Leicester iyo Xarunta Islaamiga ah ee Greenwich ee London. Cabdiqaadir Muumin, ayaa ku biiray Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee ka dhismay koonfurta Soomaaliya sanadkii 2006-dii. Wuxuu sarkaalka la hadlay BBC-da sheegay in xilligii uu ka tirsanaa Maxaakiimta Islaamiga uu tegay Muumin, magalada Bosaaso ee Gobolka Bari. "Wuxuu Bosaaso ka qaban jiray waqtigaas uu Maxaakiimta ka mid ahaa Muxaadarooyin Masaajidada balse markasta waa uu qabay fikirkaas hadda uu wado," ayuu yiri sarkaalku. Sarkaalkaan ayaa sidoo kale u sheegay in BBC-da in markii Maxaakiimta iyo Al-Shabaab ey kala baxeen uu Cabdiqaadir Muumin ku biiray kooxda Al-Shabaab, isaga oo joogi jiray xilligaas Xamar iyo shabeellada hoose, "Basle wuxuu sanadkii 2007-dii markii kooxda Al-shabaab xubnahadooda ka asaasmayeen Puntland uu yimid deegaanada Puntland. Wuu dhuumaalaysan jiray, markii danbana wuxuu galay Buuraha isagoo ka tirsan Al-shabaab," Waxaa la aaminsan yahay Muumin, inuu ka soo baxsaday Ingiriiska, ka dib markii ey baaritaan ku samaysay Haya'adda Sirdoonka gudaha dalkaas ee MI5, ka dibna waxa uu ku biiray kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. Markii kooxda uu ku biiray Cabdiqaadir Muumin ayaa meel fagaare ah ku gubay baasaboorka Ingriiska oo uu haystay. Cabdulqaadir ayaa waxaa u dhaxda xaas ey iska soo guursadeen dalka Ingiriiska, waxa uuna sheegay sarkaalka la hadlay BBC-da in ey mar gacanta u gashay Hay'adooda xilli ey ka soo laabaneysay buuraha Galgala. Dhammaadkii sanadkii 2015-kii ayaa la rumaysanyhay in Cabdiqaadir Muumin, uu xiriir la sameeyey Hogaamiyihii kooxda ISIS ee Ciraaq Abu Bakr Al-Baghdadi, si uu abuuro wakiilada kooxda ee Soomaaliya. Muuqaal ey kooxdu soo bandhigeen iyagoo ku sugan buuraha Galgala ee Puntland ayuu ka soo muuqday Cabdiqaadir Muumin sanadkii 2019-kii. Si la mida sanadihii ka danbeeyey gaar ahaan 2022-kii ayey kooxdu sii dayeen tiro ka tirsan ciidamadooda oo tabbabar ku qaadanaya buuraha G/Bari ee Puntland.
ISHA-BBC/SOMALI