SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

CUMAAN:MARKAB WEDAY DAROOGO OO KU….

(DUBAI):Sida eey ku soo warantay wakaaladda wararka ee Associated Press(AP) maanta oo khamiis ah(16/12/21)-ka ciidamadda badda ee dalka Maraykanka ayaa soo badbaadiyey shan badmaax oo u dhalatay dalka Iraan kuwaso lagu tuhmaayo ineey wadeen daroogo ka dib markii uu dab qabsaday markabkii eey saarnaayeen kaaso ah mid duq ah xeebaha dalka Cumaan.Ciidamo ka tirsan ciidamadda badda ee dalka Maraykanka ayaa gurmad u sameeyey markabkii gubanayey si eey u soo badbaadiyaan dadka saaran waxayna gudaha u galeen markabka uu qabsaday dabka waxa eeyna ka heleen 1,745kgs(3,850-Pounds) oo Xashiish ah,500kgs(1,100-Pounds) oo ah Methamphetamine iyo 30kgs(66-Pounds) oo ah Heroin,ciidamadda badda ee dalka Maraykanka ayaa daroogada eey qabteen ku qiimeeyey lacag dhan $14.7-milyan.ISHA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.