COL.BARRE HIIRAALE OO U HANJABAY…
(SAWIRKA)-COL.BARRE HIIRAALE.
(GEDO)-Gobolka Gedo waxa uu maamul ahaan ka tirsan yahay Dawlad Goboleedka Jubbaland ey hadda caasimadiisa ku meel gaarka ah tahay Kismaayo,siyaasiyiinta ka soo jeedo Gobolka Gedo ayaa diidan qaabka uu wax u wado hogaamiyaha Jubbaland Md.Axmed Madoobe. Siyaasiga reer Gedo ee caanka ah Col.Barre Adan Shire(Barre Hiiraale) ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu wareysi leh xasaasiyadiisa siiyasay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da,Col.Barre Hiiraale oo hadda ku sugan degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in amar lagu siiyey inuu isaga baxo magaaladda Doolow ee uu degan yahay waxaane amarkaasi siiyey saraakiil Itoobiyaan ah waa sida uu isaga sheegay,Col.Barre ayaa ku hanjabay inuusan marna ka bexeyn magaaladda Doolow uuna dagaaalmai doono haddii la isku dayo in si xooga ah looga saaro gurigiisa uu hadda ka degan yahay Degmada Doolow.
ISHA/HIIRAAN.