COL.BARRE HIIRAALE MUXUU YAHAY?
(SAWIRKA)-COL.BARRE HIIRAALE.
(GEDO)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada si aad ah loogu falanqeynayey arrinta Col.Barre Hiiraale iyo ciidamadda Itoobiya ku kala haysato degmada Doolow ee G/Gedo, Col.Barre ayaa waraysi waxa uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da waxa uuna sheegay in laga saarayo magaaladiisii Doolow, Col.Barre ayaa sheegay in ciidamadda Itoobiya ee ilaaliyo xuduuda labada dal(Soomaaliya iyo Itoobiya) u dhexeyso iney ku amreen inuu isaga baxo degmada Doolow Soomaaliya sababo la xiriiro amnigiisa isagana uu arrinkaasi ka biya diiday. Col.Barre oo lagu martiqaaday Madasha(X)space ayaa ku maahmaahay”Waxaad Qarsatid Wey ku Qarsadaan”,maxaa cusub maanta?. Soomaalida ayaa tiraahdo”Nabar aad filaysay Naxdin ma laha”waayo Col.Barre Hiiraale weynaan ogayn ma ahine waa u adeege Xabashidda hadane waa ey wada heshiiyeen.
ISHA/CAASIMADDA.