SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

CIIDAMO GADOODSAN OO JOOJIYEY ISU SOCODKA…

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DIFAACA PUNTLAND.

(GARAWE)-Sida ey qorayaan warbaahinta madaxa banaan ee ka hawlgasha maamulka Puntland Cutubyo ka tirsan ciidamadda Difaaca Puntand oo ka gadoodsan Mushaa La’aan ayaa saakay oo Arbaca ah waxa ey qabsadeen Koontaroolka Bari ee magaaladda caasimadda ah ee Garawe. Sida ey sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ciidamadda sameeyey Gadoodka ayaa ah kuwa loo yaqaano DUUFAAN kana tirsan ciidamadda difaaca ee maamulka Puntland,ciidamadaan ayaa ka gadoodsan Mushaa la’aan waxaane horay u dhacday in sidaan oo kale ey sameeyaan ciidamo kale kana tirsan ciidamadda difaaca Puntland tusaale ahaan ciidamadda Daraawiishta Puntland. Ciidamadaan Gadoodsan ayaa joojiyey gebi ahaan isu socodka gaadiidka mara laamiga dheer waxaane halkaasi ku xaniban gaadiid fara badan oo u kala socday gobolada dalka. Saraakisha hogaamineyso ciidamadaan gadoodka sameeyey ayaa sheegay iney ka soo dagaalameen Laascaanood eyna qaadan Mushaar muddo ka badan lix bilood,waxa eyna dalbadeen in xuquuqdooda si dhaqsi ah loo siiyo.

ISHA/PP.