CIIDAMADDA QARANKA SOOMAALIYA OO HELAY DEEQ….
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA QARANKA SOOMAALIYA.
(BRUSSELS)-Dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshay lacag cusub oo lagu taakuleynaayo Hayadaha Amniga ee dalka Soomaaliya,iyadoo saraakiisha ey sheegeen in lacagtaan ey Soomaaliya ka caawini doonto la dagaalanka kooxda AL-shabaab. Maalintii Talaadada ee ina soo dhaaftay,Midawga Yurub(EU) wuxuu sheegay iney Ansixiyeen lacag dhan ilaa 116-Milya oo Yuuro una dhiganta $117-Milyan oo doolarka Maraykanka ah,lacagtaan ayaa loogu talagalay dadaaladda xasililnta ee dalka Soomaaliya iyadoo la sii marinaayo Gudigooda Siyaasadda iyo Amniga. War-saxaafadeed ka soo Midawga Yurub ayaa lagu yiri” Golaha ayaa Ansixiyey taageero dheeri ah oo hoos timaada Xarunta Nabadda ee Yurub(EPF) oo la siinaayo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed(SNA) iyo Qeybta Mileteriga ee hawlgalka ku meel gaar ah ee Midawga Afrika ee ATMIS. Midawga Yurub wuxuu intaas ku daray in $75-Milyan oo doolarka Maraykanka ah uu ku dari doono agabkii hore loogu abaabulay Atmis sannadihii la soo dhaafay kaaso daboolay inta u dhexeysa 1/7/2021-kii ilaa 31/12/2023-kii.
ISHA/EA.