SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

CIIDAMADDA PSF-TA PUNTLAND OO EY IS FARA SAAREEN…

(SAWIRKA)-PSF-TA PUNTLAND.

(GARAWE)-DEG DEG: Wararka ka imaanayo caasimadda maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi uu maanta ka dhacay iska horimaad u dhexeeyo Ciidamadda Amaanka Puntland ee loo yaqaano PSF-ta iyo Ciidamadda Ilaaladda Xeebaha Puntland ee loo yaqaano PMPF-fa,sababta iska horimaad keentay ayaa lagu sheegay iney tahay in saraakiisha ciidamadda Amaanka Puntland ee PSF-ta ey joojiyeen Safar wafdi sare oo ka socday dawladda Maraykanka oo ey hogaaminaayeen saraakiil Amni oo Maraykan ah kuwaaso maanta oo Isniin ah hawl shaqo u imaan lahaa magaaladda Boosaaso,waxaane la isku fahmi waayey cidda iska leh sugidda Amniga saraakiisha Maraykanka kaaso horay ey uga masuul ahayd Hayadda PSF-ta Puntland balse ey si-hortaag ku sameeysay PMPF-ta oo uu taliye ka yahay sarkaal ey isu dhaw yihiin Deni. Khilaafka labadaan hayadood ayaa ah mid ku soo noqnoqday Puntland waxa eyna hadda ka hor isku fara saareen afaafka hore ee Garoonka caalmiaga ee Diyaaradaha ee magaaladda Boosaaso,ma jirto cid ilaa hadda xal waara ka dhex sameysay labadaan xoog ee isku haayo amaanka Ajaanibta imaaneysa Puntland,waxaane muuqata in arrintaan soo laalaabatay ey tahay mid salka ku haysa dhaqaale xumidda haysata Ciidamadda Amaanka Puntland ee hadba meeshii ilo dhaqaale leh hubka isugu qaata.

ISHA/SB-MEDIA.