CIIDAMADDA OO BURBURIYEY GOOBO…
CIIDAMADDA XOOGA.
(KISMAAYO)-Wararka ka imaanaayo caasimadda Gobolka Jubadda Hoose ee Kismaayo ee hadda ah caasimadda ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Jubaland ayaa sheegaayo in ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubaland ey maanta la wareegeen degaanka Qudus ee hoostaga Gobolka Jubada hoose. Degaankaan ayaa kooxda Alshabaab u ahaay degaan Istaraatiiji ah waxaane iminka si buuxda gacan ku hayntiisa ula wareegay ciidaadda xooga dalka Soomaaliyeed. Hawlgalka Qorsheysan ee maanta dhacay ayaa sidoo kale waxaa lagu burburiyey saldhigyo fara badan ey kooxda Alshabaab ku lahaayeen degaano badan oo hoos yimaado degmada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose. Sida uu warbaahinta DFS la wadaagay Taliye ku xigeenka Ururka 162-aad ee ciidamadda Kumaandooska Danab C/risaaq Maxamed Ismaaciil,taliyaha ayaa xaqiijiyey in ciidamadu ey si buuxda ula wareegeen degaanka Qudus. Taliye C/risaaq ayaa yiri”Waxaa jira hawlgal soo bilawday xalay saqdii dhexe kana soo bilawday degaano hoos yimaado degmada Kismaayo ee G/Jubada Hoose eyna kow ka tahay Leel Kuus,Qudus,Yaaq caleen,hawlgalka ayaa ahaay mid burburin ah,mana la kumin ciidamadu wax iska caabin inta uu socday hawlgalka”.
ISHA-SBM.