CIIDAMADDA DAWLADDA OO AL WAREEGAY….
Dagaalka G/shabeeladda Dhexe.
(JAWHAR)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka looga soo horjeedo kooxda Alshabaab gaar ahaan G/hiiraan kana tirsan Maamulka H/shabeele ayaa waxaa soo kordhaayey goobaha lagu baacsanaayo kooxda Alshabaab ee isla maamulkaas H/shabeele. Maanta oo Sabti ah ayaa dagaalkii ugu cuslaay waxa uu ka dhacay degaanka Masaajid Cali-Guduud kana tirsan G/shabeeladda dhexe,dagaalkan ayey soo qaadeen kooxda Alshabaab ka dib markii eey shalay oo Jimca ahayd isaga bexeen. Ciidamadda dawladda oo kaashanayo dadka degaan Masaajid Cali-Guduud ayey u suurtagashay ineey jilibka u aasaan kooxdii soo weerartay ee Alshabaab sida la soo sheegayna kooxda Alshabaab ayaa waxaa soo gaaray jab aad u xoogan waxaane halkaas uga dhintay dagaalyahano gaarayo ilaa 24- dagaalyahan waxaane looga qabsaday hub iyo gawaaridda dagaalka,diyaaradaha Drones-ka oo dagaalkaan qeyb ka ahaay ayaa kooxda Alshabaab u geystay qasaaro lixaad leh oo kooxda ku qasbay ineey qaadan kari waayaan meydadkoodii oo ilaa hadda daadsan goobihii lagu dagaalay.
ISHA WARKA SB-MEDIA(SOMALIA).