SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

CIIDAMADDA BADDA EE UK OO QABTAY…

GANTAALADII LAGU QABTAY GACANK CUMAAN.

(DUBAI)-Tan iyo markii ey meesha ka baxday dawladdii uu Madaxweynaha ka ahaay Cali Cabdall Saalax dalka Yeman waxa uu gacanta u galay kooxda Xuutiyiinta ee gacan saarka la leh dalka Iraan,waxaane horay u dhacday in dalka Iraan uu ku dhiirado inuu dalka Yeman u soo tahriibiyo hubka nuucyadiisa kala duwan,hadaba markab dagaal ey iska leeyihiin ciidamadda badda dalka Ingiriiska ayaa waxa uu qabtay Gantaalo lidka Taangiga ah iyo kuwa balaastikada ah mar uu markabku ku jiray hawlgal ka socday badda gudaheeda,markabka ayaa waxa soo qabtay doon yar kana timid dhinaca dalka Iraan kuna socotay dhinaca dalka Yeman,sidaas waxaa sheegtay dawladda Ingiriiska maanta oo Khamiis ah,arrintaan ayaa ah tii ugu dambaysay ee lagu qabto hub u socday Xuutiyiinta Yeman gudaha badda Gacanka Cumaan.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.