SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

CIIDAMADA QARAMADA MIDOBAY OO LA…

BAABUUR LAGU GUBAY DALKA KOONGO,

(KIGALI)-Dalka Koongo ayaa dad meel isugu soo ururay oo caraysan waxa ey weerareen koox ciidama ah kana tirsan hawlgalka Qaramada Midoobay ee dalkaasi Koongo(MONUSCO) waxaane weerarkaasi ku dhaawacmay laba askeri kana tirsan ciidamada MONUSCO,dadka caraysan ayaa dhagaxyo la dhacay baabuurta eey leedahay Qaramada Midoobay Waqooyi bari ee dalka Koongo halkaaso ciidamadda dawladda Koongo kula dagaalaan kooxda M23 sidaas waxaa sheegay hawlgalka MONUSCO maanta oo Arbnaca ah, Shilka ayaa waxa uu ka dhacay magaaladda GOMA habeenkii Talaadada.”Saacdu markeey ahayd 21:00 waqtiga Koongo ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay(MONUSCO) kuna sii jeeday GOMA kana yimid Rumangabo ayaa lagu joojiyey meel baabuurta lagu baaro(FARDC) ciidamada ayaan joogay Kanyarunchiny waxaane goobta ku sugnaay dad fara badan waxa eyna bilaabeen iney dhagaxyeyaan ciidamada nabad ilaalinta ee MONUSCO dabna qabadsiiyaan ugu yaraan mid ka mida baabuurta waa weyn ey wateen sidaas waxaa barta Twitter-ka ku soo qoray ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay kuna sugan dalka Koongo Dimuqaraadig.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.